Soo ma ogayn in dadka qaba cudurka COVID-19 ay muujiyaan calaamado badan oo xanuunkaasa? Astaamahaas xanuunka dadku isku si u ma wada dareemaan. Qof baa laga yaabaa inuu ka dhumo dareenka urka, qofna waxaa laga yaabaa inay dhuuntu xanuunto ama qufaco ama neeftu dhibto. Calaamadaha COVID-19 waxay noqon karaan mid sahala ama mid saa’id kuu xanuujiya. Markuu COVID-19 ku qof ku dhaco astaamihiisu waxay soo baxaan 2 bari ilaa iyo 14 bari ka dib. Si ad u ogaatid astaamaha COVID-19 ku markuu kugu dhaco bal an wada eegno calaamadihiisa guud ee xanuunkaan dilaaga ah.
Markii la tixraaco hayadda cudurada baart ee la yiraahdo the Centers for Disease Control and Prevention (CDC), waa kuwaan qaar ka mida calaamadah guud ee lagu garto inaad qabtid COVID-19ka:
- Xummad ama qarqaryo
- Qufac
- Neefta oo kugu adkaata
- Daal
- Muruq ama jidh xanuun
- Madax-xanuun
- Cune xanuun
- Dhadhanka ama urta oo oo meesha ka baxa oo cusub
- Sanka oo xidhma ama duuf
- Yalaalugo ama hunqaaco
- Shuban
Liiskaan kuma wada jiraan calamadaha lagu garto COVID-19.
Maadaama COVID-19 uu intaas isbadalayo oo hadba isku badalayo nooc cusub, astaamaha lagu gartana waa isbadalayaan sidoo kale waa isbadalayaan calaamadihiisu.
Markasta CDC dadka way baraarujisaa isha ayeyna ku haysaa isbadalka calamadaha cudurka COVID-19.
Haddii ad aragtid qof la ildaran cudurka COVID-19 oo muujinaya caalamadaha hoos ku qoran waa inaad wacdaa 911 si qofkaas dhakhso loo daaweeyo.
- neefsashada oo adkaata,
- damqasho joogto ah ama
- cadaadis laabta ah,
- dawakhaad cusub,
- ad awoodi waydo inaad soo toosto ama hurdo aad ka kici waydo, ama
- isbadalo midabka dabnahaaga ah, ciridka, wajiga, aaga indhaha, ama cidiyaha.
Haddii adigu ad kaligaa tahay ama qof kale uu isbitalka ku gaynayo, horay usii wac isbitaalka inuu soo socdo qof qaba cudurka COVID-19 si ay usii diyaar garoobaan.
Udhug lahow inaysan liiskaan ku dhammayn calaamadah khatartaah ee lagu garto cudurka COVID-19. Markasta la xiriir dhakhtarkaaga markaad iska dareentid inaad qabtid cudurka COVID-19.
Wixii Akhbaara ee COVID-19 ku saabsan waxaad la xiriiri kartaa COVID-19 | Washington State Department of Health
Qoraalkaan waxaa suurta galiyey in la soo daabaco the Washington State Department of Health through a grant from the Centers for Disease Control and Prevention.